Cumar Ibraahim Xaashi oo loo doortay xildhibaan ka tirsan golaha shacabka

Cumar Ibraahim Xaashi ayaa ku guuleystay kursiga HOP#114 ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah Jubbaland.

Xildhibaan Cumar Ibraahim Xaashi ayaa ku soo baxay 80 cod, halka Cabdi Aadan Cabdulaahi oo la tartamayey uu helay 12 cod.

Doorashada lix kursi oo ka mid ah golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka oo deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland ayaa maanta ka bilaabatay magaalada Kismaayo.