ciidamada xoogga dalka oo howlgal qorsheysan ku khaarijiyay horjoogihii Al-Shabaab u qaabilsanaa degmooyinka Guriceel iyo Ceelbuur

Ciidanka xoogga dalka ayaa saaka Guriceel ku khaarijiyay 6 Maleyshiyo ka tirsan Argagixisada Al-shabaab oo uu ku jiro horjoogihii Argagixisada u qaabilsanaa Degmada Guriceel, xilli sidoo kale ciidanku ay fashiliyeen Gaari qarax ah oo cadawgu doonayay in magaaladaas uu ka fuliyo.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in xubnaha la dilay uu ku jiro horjooge lagu magacaabo Daa’uud Ibrahim Shaambil oo Argagaxisada u qaabilsanaa deegaanada u dhexeeya Ceelbuur iyo Guriceel.

Saraakiisha ciidanka GorGor ayaa soo bandhigay meydadka maleyshiyaad ka tirsan Argagixisada Al-shabaab, kuwaas oo lagu dilay dagaalka ka dhacay dhagaxyaale, waxaana isla goobta looga furtay argagaxisada hub, gaari nuuca raaxada ah iyo miino aysan wali adeegsan.