Tirada dadka ku dhintay dibadbaxyada Suudaan oo korortay

Golaha Dhexe ee Dhakhaatiirta Suudaan ayaa ku dhawaaqay, in tirada dadka ku dhintay mudaaharaadyadii dalkaas ka socday tan iyo 25-kii Oktoobar ee la soo dhaafay ay gaarteen 73 ruux oo Rayid ah.

Bayaan ay soo saareen Guddiga Dhakhaatiirta Suudaan, ayay ku sheegeen in dad reer Suudaan ee isu soo baxay ay si maalin la ah ugu geeriyodaan goobaha ay ka socdaan dibadbaxyada.

Dhaqatiirta ayaa Bayaankooda ku xusay dhimishada Maxammad Faysal Khalaf oo 25 jir ah, kaasi oo Jimcihii Shalay ku geeriyooday mid ka mid ah goobahii ay ka socdeen dibadbaxyada.

War saxaafadeedka ka soo baxay Golaha Dhexe ee Dhakhaatiirta Suudaan ayaa lagu eedeeyay ciidamada ammaanka in si joogta ay Rasaas nool ugu furaan dibadbaxayaasha, taasi oo keentay in si maalinla ah ay Mudaharadayaasha u soo garaan dhimasho iyo dhaawac.

Boqollaal  ka mid ah dadka reer Suudaan ayaa mudaaharaadyo ka dhigo  magaalada Khartuum, iyagoo dalbanaya in si buuxda loo soo celiyo xukunkii rayidka ee dalkaas ka Arriminayay.