Guddiga farsamada ee xaaladda kala-guurka AMISOM iyo midowga Afrika oo gaaray Heshiis is-afgarad

Guddiga farsamada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay agaasimaha Guud Wasaaradda Gaashaandhigga Xasan Maxamed Saciid Samantar, ayaa ka miro dhaliyay wadaxaajoodka lala yeeshay Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika ( AU PSC).

Kulanka ayaa ku saabsan dib u habeynta iyo qaabka hirgelinta qorshaha looga guurayo AMISOM amniga dalka, islamarkaana ula wareegi lahaayeen ciidanka xoogga dalka iyo hay’adaha kale ee amni.