Wargeyska Dalka oo ka mid ah hay’adaha Warbaahineed ee Dalka islamarkaana hoostagta Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, waxaa uu soo maray maraaxil kala-geddisan laga soo bilaabo xilliyadii gumeysiga isagoo yeeshay magacyo kala duwan, siiba beri samaadkii oo loo oran jiray Xiddigta Oktoober ilaa maantadan la joogo.
Haddaba iyadoo laga duuliyo qorshaha horumarinta baahiyaha wargeyska ay bulshada u qabto ayaa lagu guuleystay in uu ka gudbo Muqdisho lana gaarsiyay qeybo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya, iyadoo dadka ku safraya garoonka diyaaradaha Aadan Cade ay bilaabeen in wargeysku ay ku dhex akhristaan diyaaradaha dhexdooda iyo xafiisyada Garoonka.
Maamulka Wargeyska Dalka ayaa ku amaanay wariye Maxamed Nuur Macalin Johans, Absuge iyo C/casiis Ciroole oo kaalin ka qaatay gaarsiinta nuqullada wargeyska Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo goobo kale.
In kastoo hadal iyo qoraal aan ku soo koobi Karin marxaladihii uu soo maray iyo muhiimadda uu u leeyahay xog gaarsiinta bulshada, ayaa haddana maqaalkan waxaan ku soo koobaynaa isbeddellada iyo horumarrada lagu soo kordhiyay adeegyada Wargeyska uu uhayo bulshada Soomaaliyeed.
Ka dib qiimeeyn la sameeyey ayaa muujinaysa in Wargeyska dalka uu qaaday tallaabooyin is daba joog ah oo horumar leh.
Sidoo kale, toddobaadkan iyo wixii ka dambeeyaba waxaa wargeysku la soo bixi doonaa dardar cusub, taasoo ay shacabkuna ku diirsan doonaan isla markaana ay bulshadu Dhanka aad u danayso akhriskiisa iyo in dowr ay ku yeesheen qeybaha bulshada sida shirkadaha ganacsi, kuwa duulimaadyada iyo inta badan dadka isugu yimaada goobaha lagu qaxweeyo ee magaalada Muqdisho.
Wargeyska wuxuu leeyahay laba qeybood oo kala ah maalinle qadka aad ka heli karto Online Dalka Journal ama Todobaadle oo loo qeybinayo bulshada, isagoo soo koobaya macluumaad kasta oo nolosha taabanaya, sida Siyaasadda, Dhaqaalaha, Ammaanka, Ganacsiga, Arrimaha bulshada, Diinta, Ciyaaraha iyo Faafinta Rasmiga ah ee dhanka dowladda iyo kuwo kale.
Xarumaha dowladda, iyo goobaha dadweynaha isugu yimaadaan ee magaalada Muqdisho, sida Hoteellada, Baararka iyo meelaha kale waxaa aad looga akhristaa Wargeyska dalka, taasi oo muujinaysaa in muddooyinkii ugu dambeeyey uu horumar iyo saameyn yeeshay Wargeyska, inkastoo weli ay dadaallo socdaan.
Fursadaha bulshada ay ka heli karaan Wargeyska Dalka Waxaa ka mid ah in lagu soo bandhigo afkaaro iyo macluumaad ay danaynayaan, soo bandhigista horumarka ganacsiga oo dhan kasta leh sida shirkadaha iyo howlaha maalgashi ee dalka ka socda.
Ugu dambeyn Wargeyska Dalka wuxuu muwaadin kuu hayaa fursad aad ku soo bandhigi karto afkaartaada, hadaba haddii ay jiraan macluumaadyo muhiim ah oo mudan in bulshada loo faahfaahiyo, la soo wadaag qeybta xiriirka Wargeyska si aragtidaada aad ugu soo bandhigto halkani.
WQ: Osman Dhiblaawe