Maali oo ka hortimid heshiis ay horay ula gashay Faransiiska

Afhayeen u halay wasaaradda arrimaha dibadda Faransiiska ayaa xaqiijiyay in ay darsayaan codsi uga yimid dalka Maali oo ku aaddan in dib u eegis lagu sameeyo heshiisyadii dhanka difaaca ee ay labada dal horay u wada gaareen.

Xukuumadda Bamako, ayaa aaminsan in heshiiskaasi uu yahay mid ka hor imaanaya arrimaha Difaaca iyo guud ahaanba danaheeda.

Faransiiska ayaa dhankiisa  ku hanjabay inuu dib u eegis ku sameyn doono joogitaanka Ciidankooda ee Mali, haddii dowladda Mali ay meesha ka saari wayso cabashada heshiiskii horay loo gaaray, halka maamulka Malina uu diiday arrinkaas.

Ra’iisul Wasaaraha Mali Shogel Maiga, ayaa horay u sheegay in dalkiisa uu doonayo in uu dib u eegis ku sameeyo heshiisyada millatari ee uu la galay Faransiiska, isaga oo wareysi uu siiyay Telefishinka Qaranka ku sheegay in Ciidamada Faransiiska ee ku sugan dalkiisa ay tacadiyo ka geysteen dalka.