Guddiga doorashadda Jubbaland oo shaaciyey Jadwalka doorashada lix Kursi

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa shaacisay jadawalka qabashada doorashada lix kursi oo kamid ah 14-kii kursi ee la shaaciyay13/12/2021.

Guddiga ayaa sheegay in 19-Bishaan oo maanta ku beegan ay shaacin doonaan guddiga xulista Ergada doorashada lix-da kursi,islamarkana Bari ay bilaabayaan qabashada Ergada iyo diiwaangalinta Musharaxiinta.

Waxa uu sidokale guddigu shegay 22- Bishan  ay tababarayaan Ergada dooraneyso kuraasata Golaha shacabka,sidoo kalena 23-Bisha aya qaban doonaan  doorashada lixda kursi