Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Galmudug oo tababar loo soo xiray

Madaxweyne kuxigeenka dowlad goboleedka Galmudug mudane, Cali Daahir Ciid ayaa tababar ugu soo xiray degmada Caabudwaaq boqolaal Ciidan Cusub ah oo ka tirsan Daraawiishta Galmudug.

Munaasabadan lagu soo bandhigayay Ciidankaan soo dhamaystay tababarka oo lagu qabtay Madaxtooyada Cabudwaaq ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan goleyaasha Dowlad goboleedka Galmudug, Saraakiil, Maamulka Degmadda Iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Caabudwaaq.

Ciidamada ayaa goobta lagu dhaariyay, iyagoo soo bandhigay xeeladihii iyo xirfadihii ay tababarka ku soo qaateen taasoo si wayn loogu riyaaqay.