Ciidamada Suudaan oo toogasho ku dilay dad dibadbax dhigaayey

Ciidamada ammaanka ee dalka Suudaan ayaa toogasho ku dilay 7 qof, tiro kalena dhaawacay kadib markii ay rasaas nool-nool u adeegsadeen dibed baxayaal si nabad ah u dhigayay mudaaharaad ay kaga soo horjeedaan afgembigii ay sanad ka hor sameeyeen Ciidanka Millateriga, sida ay warbaahinta u sheegeen qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha isbeddel doonka dalkaasi.

Hoggaamiyayaasha isbeddel doonka ayaa sidoo kale sheegay in kumanaan qof oo isugu soo baxay afaafka hore ee madaxtooyada dalka Suudaan lagu kala eryay rasaas iyo gaaska dadka kaga ilmeysiiya.

Tan iyo markii uu is casilay Ra’iisul wasaarihii dalka Suudaan Cabdalla Xamduuk horraantii bishan waxaa isa soo tarayay dibed baxyada lagaga soo horjeedo millateriga talada qabsaday ee uu hoggaamiyo Janaraal, Cabdul casiis Al-burhaan.