Madaxweynaha Hirshabeelle oo guddoomiyay kulanka amniga Hirshabeelle

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka amniga Hirshabeelle si loogu diyaar garoobo doorashooyinka xildhibaanadda golaha shacabka ee lagu qabanayo Jowhar iyo Beledweyne

Shirka oo ay ka qeybgaleen Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, Taliyaha Guutada 3-aad qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Taliyaha Nabada Sugida Hirshabeelle, Saraakiil ka socotay Taliska Booliiska Hirshabeelle, ayaa looga hadlay dardargalinta amniga guud ee Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa faray Saraakiisha hey’addaha amniga inay xoojiyaan oo ay laba laabaan amniga deegaanada Hirshabeelle gaar ahaan magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne oo ay ka dhacayaan dhowaan doorashooyinka Xildhibaannada golaha shacabka.