Waa sidee xaaladda caafimaad ee Maxamed Ibraahim Macalimuu?

Waxaa aad u wanaagsan xaalada caafimaad ee afhayeenka xukuumada Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu oo shalay ku dhaawacmay qarax ay argagixisada Al-Shabaab u soo maleegeen, kaas oo ka dhacay agagaarka isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.

Agaasimaha warfaafinta ee xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka Liibaan Cabdi Cali ayaa Warbaahinta Qaranka  u sheegay in dhaawaca Macalumuu uu yahay mid ka fudud sidii ay wax u dhaceen, isla markaana uu jiro jab ka soo gaaray lug iyo dhaawacyo kale oo fudud, sida uu sheegay Agaasime Libaaan.

Isbitaalka Digfeer ee caasimada Muqdisho ayaa lagu dabiibayaa Macalimuu, qaraxaan ayaa ahaa mid kaligiis loo soo qorsheeyey, waxuu ahaa kii shanaad oo Macalimuu uu la kulmay shantii sano ee u dambeysay.

Qaarkood Alle ayaa ka badbaadiyey, halka qaarna ay ka soo gaareen dhaawacyo isugu jiray ku fudud iyo kuwo culus, qaraxii shalay waxaa ku dhintay qofkii nafiisa haligay oo kaliya.