Dowladda Turkiga oo Cambaareeysay qaraxii argagixisnimo ee ka dhacay Muqdisho.

Dowladda Turkiga ayaa si kulul u cambaareysay qaraxii argagixisanimo ee shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho kaa oo ay ku dhinteen dad aan waxba galabsan.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga lana soo marsiiyay Safaaradooda Muqdisho ayaa lagu yiri “Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarkan argagaxisada ah, waxaana sidoo kale tacsi u direynaa Shacabka walaalaha ah iyo Dowladda Soomaaliya. Allah waxan uga rajaynaynaa naxariis kuwa naftooda ku waayey waxana caafimaad degdeg ah u rajeeyneyna dadkii ku dhaawacmay qaraxa ayaa lagu yiri” Qoraalka dowladda Turkiga.

Waxa sidokale qoraalka lagu yiri dowaladda Turkiga waxa ay sii wadi doontaa garab istaaga dowladda soomaaliya ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Dhanka kale Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka Xuseen Ibraahim Taha ayaa dhankiisa cambaarayay weerarkaas bahalnimada ahaa ee shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaas oo sababay qasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac Soo gaaray dad isugu jiray askar iyo shacab aan waxba galabsan.

Xoghayaha Guud ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay falkaasi uuna aad u cambareeynayo isagoo tacsi u diray ehellada dadkii ku dhintay qaraxaas iyo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna u rajeeyay caafimaad deg deg ah dadkii ku dhaawacmay.