NATO iyo Ruushka oo kulan ka yeelanaya Colaadda Ukraine

Waxaa maanta oo Arbaco ah ka furmaya Caasimadda dalka Belgium ee Brussels, kulamo u dhexeeya Ruushka iyo NATO, kaas oo ay kaga wada hadlayaan Colaadda Ukraine.

Ukraine ayaa horay ugu dhawaaqday inay diyaar u tahay inay qaadato go’aano ay ku tilmaamtay in ay lagama maarmaan u yahiin sidii loo soo afjari lahaa xasaradaha iyo dagaalka u dhexeeya labada wadan ee Ruushka iyo ,Ukraine. halka wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka ay sheegtay inay sugayso jawaabta Washington ee ku aaddan dammaanad qaadka ammaanka Ukraine.

Wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa dhankeeda sheegtay in xoghaye Anthony Blinken uu kala hadlay dhiggiisa Ukraine Dmytro Kuleba, sii socoshada militariga Ruushka ee ku wajahan xadka Ukraine.

Diblomaasiyadiinta ku hawlan qabanqaabada Wada hadalan u dhaxeeya NATO iyo Ruushka, ayaa sheegay in soo jeedinno badan oo ka yimid dalalka Yurub ay keentay in lagu dhiirado wada xaajoodkan u dhaxeeya NATO iyo Ruushka, si loo qaboojiyo xiisadda taagan.