Mareykanka: 19 ruux oo ku dhintay dab ka kacay New York

Ugu yaraan 19 qof oo ay ku jiraan sagaal carruur ah ayaa ku dhintay dab ka kacay guri dabaq ah oo ku yaalla magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Duqa magaalada New York Eric Adams ayaa sheegay in 32 ruux oo la dhigay isbitaal,dhowr ka mid ah ay aad u liidato xaaladdooda caafimaad.

, Madaxa waaxda dab-damiska Daniel Nigro ayaa sheegay inay heleen dhibanayaal ku sugnaa qolal ka mid ah  19-ka dabaq, wuxuuna intaa raaciyay in dhimashadu ay tahay tii ugu darneyd ee lagu arko New York muddo 30 sano ah.

Dabka ayaa ka kacay qolal ku yaalla dabaqa labaad iyo kan saddexaad ee dhismaha Bronx abbaarihii 16:00 GMT.