Wasiirka arrimaha dibadda XFS oo qaabilay wakiilka gaarka ah ee Norway u qaabbilsan Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay Wakiilka Gaarka ee Dowladda Norway u qaabbilsan Soomaaliya, Marwo Heidi Elburgi Johansen.

Wasiirka iyo  Marwo Heidi Elburgi Johansen ayaa ka wada hadlay adkaynta xiriirka iyo wax wada qabsiga u dhexeeya labada dal.

Sidoo kale, Kulanka ayaa diirradda lagu saaray sare u qaadidda iskaashiga wax-ku-oolka ah ee Soomaaliya iyo Norwey ee dhinacyada amniga iyo xallinta khilaafaadka, wuxuuna wasiirka uga mahadceliyay Dowladda Norway taageerada ay u fidiso Dowladda Soomaaliya.