Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo mar kale ciidamada uga digay in ay ku milmaan siyaasadda

Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda federaalka Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa mar kale ciidamada Qaranka uga digay inay ku milmaan ama loo adeegsado siyaasadda, isagoo askarigii lagu helo kiis noocaas ah ugu goodiyey in sharciga la hor geyn doono.

“Iyadoo la dhowrayo shuruucda dalka, waxaan mar labaad ciidamada xooga dalka farayaa inay ku ekaadaan waajibaadkooda qaran, ayna ka fogaadaan inay ku milmaan ama loo adeegsado siyaasadda. Cidii ay ku cadaato waxaa laga qaadi doonaa tallaabo waafaqsan shuruucda dalka,” ayuu qoraal uu soo saaray ku yiri Wasiir Cabdulqaadir.