Shirka looga hadlayay amniga oo lagu qabtay Baydhabo

Wasiirka amniga gudaha maamulka Koonfur Galbeed Isaaq Cali Subug ayaa guddoomiyay shir looga hadlayay xoojinta amniga,isku furista wadooyinka isku xira deegaanada maamulkaas iyo sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Shirka oo ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka qeyb galay Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka ,Booliska ,Nabad Sugida,AMISOM iyo mas’uuliyiin ka socotay maamulka Koonfur Galbeed.

Dhammaan Mas’uuliyiinta shirka ka qeyb galay ayaa isku raacay dardar-gelinta qorshaha xoreynta deegaannada ay argagaxisadu kaga sugantahay K/galbeed iyo in la adkeeyo ammaanka.