Golaha wadatashiga Qaran oo kulan la leh midowga musharaxiinta

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir gudoominaya kulan golaha wadatashiga qaranka ay la leeyihiin midowga Musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya.

Xubnaha ka socda Midowga Musharixiinta oo laga tala galiyay isfaham laga gaaray arrimaha amniga iyo dhameystirka dardargalinta geeddi socodka dooraashooyinka Dalka.

Shirka golaha wadatashiga qaran ayaa la filayaa in galabta la soo gebagebeeyo lagana soo saaro war-murtiyeed wadajir ah oo diiradda saaraya , Muddada doorashadu lagu gabagabeynayo, hufnaanta doorashada iyo amniga .

Heshiiskan waxa uu horseedayaa doorasho daah-furan oo lagu kalsoonaan karo in dalka looga hirgaliyo waqti kooban oo cayiman.