Suuriya goob u dhow xarun ay ku sugan yihiin Ciidamada maraykanka oo lala beegsaday tiro gantaallo ah

Tiro gantaalo ayaa lala beegsaday goobta saliidda ee Al-Cumar ee gobolka Deir ez-Zor ee bariga Suuriya, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidammada Mareykanka.

Gantaalladan ayaa sida la sheegay ku dhacay dhul ku xeeran ceelasha shidaalka, kuwaas oo aan geysan wax khasaare ah sida ay sheegeen ilo-wareedyo deegaanka ah oo codsaday in aan magacooda la sheegin,iyagoo dhinaca kale xusay in gantaalada laga soo tuuray Mayadin, oo hoy u ah kooxaha argagixisada.

Talaadadii hore ayey ciidamada isbaheysiga oo uu hogaamiyo Mareykanku waxay duqeeyeen saldhigyada gantaalada riddada gaaban ee bariga Suuriya, iyagoo sheegay inay halis ku yihiin xarun ay isticmaalaan askarta Mareykanka.