QM iyo Mareykanka oo baaq ka soo saaray xaalladda dalka Kazakhstan

Qaramada midoobay iyo aqalka cad ee looga arimiyo dalka maraykanka ayaa ugu baaqay masuuliyiinta dalka Kazakhstan inay xakameeyaan wax ka qabashada mudaharaadyada rabshadaha wata ee ka socda dalkaasi, ka dib markii dowladda Kazakhstan ku dhawaaqday xaallad deg deg ah.

Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric, ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyadu in ay is xakameeyaan, kana fogaadaan rabshadaha oo ay horumariyaan wadahadalka.

Xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Jen Psaki, ayaa sidoo kale sheegtay in Maraykanku uu taageerayo “baaqyada deganaansho” waxayna sheegtay in mudaaharaadayaashu ay awood u yeeshaan inay “si nabad ah isu muujiyaan,” iyadoo ku boorisay mas’uuliyiinta “in ay dhankooda is xakameeyaan.”

Maamulka dalka Kazakhstan ayaa jaray internet-ka iyo taleefoonnada gacanta ee dalka oo dhan, waxaana ay horay ugu dhawaaqeen xaallad degdeg ah oo ka jirta xudunta isu soo baxyada oo ah caasimadda dhaqaalaha Almaty iyo gobolka Mangystau,mudaharaadkan ayaa ka dhashay ka dib markii sare u kac ku yimid qiimaha shidaalka.