Ra’iisal wasaare Rooble oo hambalyeeyay 58-guurada Aas-aaskii wakaaladda wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Muadane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hambalyo la wadagay madaxda iyo shaqaalaha Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA oo manta u dabbaaldagayo 58 sanad guurada ka soo wareegtay markii la Aas-aasay

Ra’iisal wasaaraha aya shegay in Wakaaladda waraka Qaranka soomaaliyeed ay howl wanagsan ay u heeyso dowladda iyo guud ahaan bulshada soomaaliyed isagona Maamulka iyo howl-wadennad wakaaldda u rajeeyay in halkaa ay ka sii  wadaan dadaalkooda iyo shaqada ay u hayaan Qaranka.

“Wakaaladdu waa Isha Rasmiga ah ee dalka, waxana rajeeynaya in halkaas kasii labalaabi doontan dadaalkiin iyo howsha aad u heysaan Qaran”Ayu yiri Ray”iisul wasaare Rooble

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa isna hambalyo la wadagay madaxda iyo shaqaalaha Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA oo maanta u dabbaaldagayo sanadguuradii 58-markii la Aas-aasay Wakaaladda

“waxan Hambalyo leeyahay Madaxda iyo Shaqaalaha Wakaaladda Qaranka soomaaliyed  dabbaaldaga sanadguuradii 58-Aas -aaska wakaaladda oo ku asteeysan 5-01-1964”ayu yiri wasiirka