Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Cusman Obokor Dubbe ayaa hambalyo ku Aadan Sanad guurada 58 ee ka soo wareegtay Aas-aaskii wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA u diray Maamulka iyo shaqaalaha Wakaaladda
“Waxaan Hambalyeynayaa Howl-wadeennada iyo Madaxda Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyee ee SONNA oo aan ugu hambalyeeynayo 58- sanno guurada Aas-aaska Wakaaladda SONNA waxana u rajeynayaa in ay la jaanqaado Wakaaladaha kale ee Wararka Aduunka”Ayu yiri Wasiir Dubbe
Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA oo ku soo shaqeeysay marxalado kala duwan ayaa maanta u dabbaaldageyso sanadguurada 58-aad ee ka soo wareegtay Aas-aaskeedi.