Madaxweynaha hir-shabeelle oo ka tacsiyadeeyey geerida ku timid Gudoomiye Ku-xigeenkii Arrimaha bulshada Maamulka Gobolka Hiiraan

Madaxweynaha Dowladda goboleedka Hir-shabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Alla ha u naxariistee Gudoomiye Ku-xigeenkii Arrimaha bulshada Maamulka Gobolka Hiiraan Marxuum Sheekh Xuseen Cusmaan Cali oo maanta ku geeriyooday Magaalada Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuumku ahaa shaqsi daacadnimo karti iyo wadaniyad ku sifoobay kaalin muuqatana ka qaatay dhismaha iyo aas-aaska Dowladnimada maamulka Hir-shabelle.
Madaxweynaha oo ku hadlaya Afka Goleyaasha Dowladda, iyo Shacbiga Hir-shabelle ayaa marxuumka ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, eheladii, qaraabadii iyo maamulka gobolka ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.