Madaxweynaha Puntland oo soo gaaray Muqdisho

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta lagu soo dhoweeyay Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland ayaa ka qeybgalaya Shirka Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka Kaasi oo uu shaaciyey Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Wafdiga Madaxweynaha Puntland Waxaa Goroonka Adan cadde ku soo dhaweeyey Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo iyo Bulshada qeybahooda kale duwan .