Wasaaradda caafimaadka oo soo saartay hab-raac cusub oo la xiriira Covid-19

Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya  ayaa soo saartay hab-raaca rasmiga ah ee ka hortagga iyo xakameynta Caabuqa COVID-19 (Omicron Variant) si bulshada looga badbaadiyo khatarta fayraska dilaaga ah.

Bulshadu waxaa la farayaa inay qaataan Tallaabooyinka Caalamiga ah ee ka hortagga iyo xakameynta caabuqa COVID-19, kuwaas oo ay ku talinayso Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya.