Wasaaradda Qorsheynta XFS oo daah furtay shir u dhexeeya Wasaaradaha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha aan Dowliga Ahayn ee NGO-yada

Wasaaradda Qorsheynta Qaranka XfS oo kaashanaysa dalada hay’adahaa aan dowliga ee (NGO Consortium) ayaa maanta ka shir wadatashi ka furtay Magaalada Muqdisho, shirkan wada tashi ah oo u dhexeeya Wasaaradaha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha aan Dowliga Ahayn ee NGO-yada ayaa looga wadahadlayaa sharciyada jira iyo in si wanaagsan loo fahmo daruufaha NGO-yada iyo caqabadaha ee la kulmaan.

Sidoo kale Waxaa kullanka lagu falanqeenayaa doorka taageerada NGO-yada ee abaaraha Soomaaliya hanaanka loo wajahayo iyada oo la dar-dar galinta ka jawaabida Abaaraha.

Kulanka Waxaa goobjoog ah Hay’adaha Dowladda iyo Hay‘adaha aan Dowliga Ahayn ee wadanka ka shaqeeya waxaana hoggaanka Shirka ah Wasaaradda Qorsheynta Qaranka.