Ciidamada Xoogga dalka oo fashiliyay qaraxyo ay aaseen argagixisada Al-Shabaab

Ciidanka xoogga dalka ayaa howlgal miino baaris ah ka sameeyay wadooyinka soo gala degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Howlgalka ayaa waxaa laga sameeyay inta u dhaxaysa deegaanada Shaamgare, Jowhar yareey, Mubaarak iyo xaafadaha degmadda Awdheegle ee Gobolka Sh.hoose, waxayna ciidanka ay soo saareen miinooyin dhowr oo argagixisada ay doonayeen inay ku waxyeeleeyaan Shacabka.

Howlgalkan oo uu hoggaaminayay taliyaha Guutada 17-aad ee kumaandooska Gor Gor col. Dayax Cabdi Cabdulle, wuxuuna sheegay in ay soo saareen miinooyin dhowr ah, sidoo kale ciidamada ayaa qarxiyay  miinooyin kale oo maleeshiyada argagixisada ah ay ku aaseen wadooyinka ay shacabku maraan.