Golaha wasiirrada Koofur Galbeed oo maanta ansixiyay miisaaniyadda 2022

Golaha wasiirrada Koofur Galbeed oo maanta kulankooda todobadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Baydhabo ayaa ansixiyay miisaaniyadda maamulkaas ee sanadka 2022 oo gaaraysa $30,000,000 oo dollar, taas oo ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda KG.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoomiyay madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), iyadoo golaha wasiirraduna ay cod gacan taag ah ku ansixiyeen miisaaniyadda sanadka socda uu ku shaqayn doono maamulkaasi.