Biyo dhaamin loo sameeyay dadkii ay abaartu ku heshay Galmudug

Haddaba, waxaa biyo dhaamis ka wado deegaanno ka tirsan labada gobol ee Mudug iyo Galgaduud, gaar ahaan tuulooyinka fog-fog Jaaliyado ka tirsan gobalka oo ku dhaqan qurbaha iyo ururro samafal oo uu ka mid yahay Sama-garad.

Degaannada illaa hadda biyo dhaamiska laga wado ayaa waxaa ka mid ah Suul cayn, Mooragaal,  Liibaan-Galle, Hog dugaag, Tiigsane, Sadax-ruun iyo Tuulooyin kale oo dhamaantood saameyn ku yeelatay Biyo la’aantas, kuwaa oo masaafo dheer u jira magaalada Dhuusamareeb.

Waxaa sii adkaaneysa abaarta baxaadda leh ee ku habsatay dadka iyo duunyada ku dhaqan Galmudug, gaar ahaan dhulka miyiga ah ee ka fog magaalooyinka, kuwaas oo ay soo food saartay biyo iyo baad la’aan tii ugu darneyd inta la xasuusto.