Tababar ku saabsan joojinta Askaraynta Carruurta oo lagu qabtay Dhuusa-mareeb

Wasaaradaha caddaaladda federaalka iyo Galmudug oo iskaashanaya ayaa tababar ugu magaalada Dhuusamareeb xubno ka kala socda Boliiska, Asluubka iyo hay’adaha garsoorka iyo caddaaladda.

Tababarkan oo socon doono muddo laba cisho ah ayaa lagu baran doonaa hababka lagaga hortago difaacidda Askaraynta Carruurta ee ay adeegsadaan kooxaha hubeysan.

Sidoo kale tababarkan ayaa lagu baran doonaa garab siinta dadka jilicsan oo ay u horreeyaan Haweenka.

Agaasimaha waaxda xuquuqul Aadanaha ee Wasaaradda caddaaladda XFS, Xuseen Ismaaciil ayaa sheegay in ay ujeeddadoodu tahay dhaqan gelinta xeerarka caalamiga ah  ee ilaalinaya xaquuqda Carruurta iyo dadka nugul, wuxuna intaa ku daray inya ka dowlad federaal ahaan inay wax badan ka qabteen ilaalinta xaquuqda Carruurta iyo dadka jilicsan.

Wasiirka Caddaaladda Galmugud, Cabdi Maxamed Fiidoow ayaa sheegay in ka dowlad Goboleed ahaan ay ka go’an tahay ku dhaqanka shuruucda ka taalla ilaalinta tacaddiyada Haweenka iyo Carruurta.