WHO oo sheegay in 3.3 milyan dunida ugu geeriyoodeen Covid-19 sanadkii 2021

Agaasimaha guud ee heya’adda caafimaadka aduunka “ WHO ” Tedros ayaa sheegay in cudurka ‘coronavirus’ uu galaaftay nolosha in ka badan 3.3 milyan oo qof welina xaaladda dhimashadu tahay mid khatar ah, isagoo la hadlayey suxufiyiinta ayuu sheegay in sanadka 2022 uu noqon doono sannadkii la soo afjarayey masiibada” iyadoo la adeegsanayo qalabyadda casriga ah ee dunidu gacanta ku hayso.

Tedros wuxuu kale oo ka hadlay noocii ugu dambeeyay ee COVID-19 ee adduunka ku dhuftay, isagoo leh “hadda waxaa jira cadeymo joogto ah oo sheegaya in omicron uu si aad ah ugu faafayo si ka dhakhso badan nooca delta.”

Madaxa WHO wuxuu kale oo ka digay in dalal badan ay dhaqan ahaan qorsheeyaan isu imaatinka dadka soo jiidan kara dabaal dega Kirismaska ​​iyo sanadka cusub wuxuuna soo jeediyay inay dib u eegaan dhacdooyinkaas khataraha caafimaad ee ka dhalan kara.