Shacabka dalka Chili oo doortay madaxweyne cusub

Xildhibaan ka tirsan garabka bidix oo caan ku noqday mudaharaadyadii looga horjeeday dowladda dalka Chili , ayaa ku guuleystay doorashada madaxweynaha xiga ee dalkaasi.

Gabriel Boric ayaa helay codad gaaraya boqolkiiba 56, marka la barbar dhigo 44 boqolkiiba oo uu helay musharraxa muxaafidka ah, Jose Antonio Kast.

Boric oo ah 35-sano jire,ayaa lagu wadaa inuu noqdo madaxweynihii ugu da’da yaraa ee soo mara dalka Chile.

“Boric oo la hadlay dadka waxa uu u ballan qaaday in uu madaxweyne u noqon doono dhammaan dadka reer Chile, oo ay ku jiraan kuwa ka soo horjeeda aragtidiisa mustaqbalka Chile,

Madaxweynaha xilka ka degaya Sebastian Pinera ayaa qabtay shir muuqaal ah oo uu la yeeshay Boric si uu u siiyo taageerada buuxda ee dowladdiisa inta lagu jiro kala guurka saddexda bilood.