Xubno kamid ah (GHDHF) oo kulan looga hadlayay xaqiijinta qoondada haweenka ku qabtay baraawe

Xubno kamida Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) oo kaashanaya Dowlad goboleedka koonfur Galbeed ayaa baraawe kuqabtay barnaamij lagu xoojinaayo xaqiijinta qoondada haweenka ee 30% kuraasta Gollaha Shacabka BFS.

Kulanka oo ay kasoo qayb galeen maamulka Degmada Baraawe iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Rayidka, waxa aad looga dooday caqabadaha ku hor gudban haweenka musharixiinta ah, iyo sidii taageero buuxda loo siin lahaa haweenka u tartamaya kuraasta Gollaha Shacabka.