Xildhibaan Guuleed Biixi Cabdi oo ku soo baxay doorashada golaha shacabka

Xildhibaan Guuleed Biixi Cabdi ayaa mar kale ku soo baxay kursiga Xildhibaannimo ee tirsigiisu yahay HOP255 ee Golaha Shacabka ee ka soo jeeda Somaliland, ka dib doorashado ka dhacday magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Guuleed Biixi Cabdi oo ku guuleystay doorashada ayaa helay 58-cod.

Doorashada xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda Somaliland ayaa si habsami leh uga socota magaalada Muqdisho.