Ra’iisul wasaare Rooble oo u ambabaxay Baydhabo

Ra’iisul Wasaaraha XFS iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed halkaas oo uu kaga qeyb gali doono munaasabadda sanad guurada 3aad ee markii la doortay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen).

Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu wadaa in uu kulamo la qaato Madaxda, Waxgaradka iyo Bulshada ku nool magaalada Baydhabo ee Caasimadda kumeel gaarka Koonfur Galbeed Soomaaliya.