Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xilka ka qaaday xubno ka tirsan Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka ka qaaday xubno ka tirsan Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka kadib markii  ay lumiyeen madaxbanaanidii guddinimo.

Xubnaha xilka laga qaaday ayaa lagu eedeeyay in ay ku milmeen siyaasadda  isla-markaana ay baal mareen xeerka anshaxa doorashada.