Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in la gaaray xiliggii loo istaagi lahaa bad baadinta nafta bini aadamka marka loo eego halka ay marayaan abaaraha ka jira deegaanada maamulkaasi.
Wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Galmudug Axmed shire Falagle oo la hadlay warbaahinta qaranku xilli u dib ugu soo laabtay galkacyo kadib kormeer xog aruurinta ah ayaa sheegay in dhibaatooyin xagga nolosha ah ay ka jiraan deegaano dhaca galbeedka gobalka mudug .
Wasiirka ayaa sheegay in Hay’addaha gar gaarka qaarkood ay iyaguna wadaan kormeero ay ku sameeynayaan deegaanada gobalka qaarkood kuwaas oo u baahan wax qabad dhab ah.
Wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Galmudug Axmed shire Falagle waxa uu soo jeediyay in hay’addaha ay ka shaqeeyaan howlaha samafalka ee loogu adeegayo dadka ay saameeyeen abaaraha.