Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeeray shaqo ku tagay Xarumaha Wasaaradaha

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Xarunta Maamulka Gobolka iyo Qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa ugu horreyn u kuurgalay howlaha shaqo ee ka socda Xarumaha Maamulka Gobolka iyo kan degmada Jowhar waxa uuna kulan la qaatay Maamulka Gobolka iyo kan Degmada Jowhar isagoo faray in la dardargaliyo u shaqeynta bulshada.

Madaxweynaha oo kormeerkiisa sii wata ayaa gaaray xarumaha Wasaaradaha Beeraha Howlaha Guud, Maaliyadda iyo Arrimaha Gudaha,isagoo mid mid u booqday xafiisyada iyo sida ay shaqeeyaan waxa uuna la kulmay shaqaalaha iyo howlwadeenada wasaaradaha waxa uuna kula dardaarmay inay laba laabaan shaqooyinka adag ee bulshada u hayaan.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa bogaadiyay howlaha shaqo ee ka socda wasaaradaha uu maanta booday isagoo ku dhiirigaliyay Wasiirada Wasaaradaha uu maanta booday inay dardargaliyaan shaqooyinka Hirshabeelle