Wasiirka arrimaha dibadda Talyaaniga iyo dhiggiisa Liibiya oo ka wada hadlay xiriirka labada dal

Wasiirka arrimaha dibadda Talyaaniga iyo dhiggiisa Liibiya ayaa ka wada hadlay xiriirka ka dhexeeya dalalkooda kulan ka dhacay magaalada Rome, sida ay ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Talyaaniga.

Luigi Di Maio Wasiirka arrimaha dibedda Talyaaniga iyo Najla Al-Mangoush wasiirka arrimaha dibedda Liibiya ayaa ka wada xaajooday xiriirka laba geesoodka ah waxayna muujiyeen rabitaankooda ah inay sii wadaan xoojinta iskaashiga, iyagoo dib u eegis ku samayn doona dhinacyada ugu muhiimsan ee iskaashiga labada dhinac, oo ay ka mid tahay iskaashiga dhanka socdaalka.

Di Maio wasiirka arrimaha dibedda Talyaaniga ayaa ku celceliyay sida ay Talyaaniga uga go’an tahay xasilinta dalka Liibiya, waxa uuna tilmaamay muhiimada ay leedahay in lasoo gaba gabeeyo hanaanka doorashada iyo sidoo kale ka bixitaanka dhamaan dagaalyahanada shisheeye iyo calooshood u shaqeystayaasha.

Wuxuu kula taliyay dhammaan dhinacyada Liibiya inay xaqiijiyaan wada-shaqeyn wax ku ool ah oo ay la yeeshaan Stephanie Williams, ku-xigeenka madaxa cusub ee Hawlgalka Taageerada Qaramada Midoobay ee Liibiya (UNSMIL).

Liibiya ayaa isku diyaarinaysa in ay qabsoonto doorashada madaxtinimo iyo tan baarlamaanka 24-ka December sida ku cad heshiis ay Qaramada Midoobay ay garwadeenka ka tahay oo ay gaareen dhinacyada isku haya siyaasadda Liibiya shirar ay ku yeesheen Tunisia sannadkii hore,iyadoo Dadka Liibiya ay rajeynayaan in doorashada soo socota ay ka qeyb qaadan doonto soo afjarida colaadaha hubeysan oo sanado badan ragaadiyay dalka qaniga ku ah Saliida.

Liibiya ayaa waxaa hareeyay dagaallo sokeeye tan iyo markii xukunka laga tuuray hoggaamiyihii Mucamar Al-Qadaafi sanadkii 2011-kii.