Madaxweynaha Ukraine oo midowga Yurub ugu baaqay in ay cuno qabatayn kusoo rogaan dalka Ruushka

Madaxweynaha Ukraine ayaa ugu baaqay Midowga Yurub Arbacadii inay si deg deg ah ugu soo rogaan Ruushka cunaqabatayn cusub, isaga oo ka digay in ficilada la qaado ka dib khilaaf kasta uu noqon doono mid soo daahay.

“Waxaan leenahay dagaal socday siddeed sano, waxaan fahamsanahay in cunaqabateyntu ay noqon doonto oo keliya habka looga hortagayo kororka haddii la fuliyo ka hor iska horimaad hubeysan,” ayuu yiri.

Volodymyr Zelensky oo saxaafadda la hadlay ka dib shirkii 6-aad ee iskaashiga bariga ee Brussels ayaa sheegay in Kyiv ay diyaar u tahay in ay wada xaajood la gasho Moscow si loo qaboojiyo xiisadda,Zelensky ayaa xusay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uusan dooneynin inuu soo fariisto miiska wadahadalka ilaa hadda.

Saraakiisha Midowga Yurub ayaa marar badan walaac ka muujiyay ciidamada Ruushka oo si aan caadi ahayn ugu uruuray xadka Ukraine tan iyo bishii hore iyo in cawaaqib xumo ay ka dhalan doonto haddii Ruushka uu mar kale weeraro Ukraine.

Dhinaca kale Zelensky ayaa lagu wadaa inuu la kulmo xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg maanta  magaalada Brussels.