Beeraleyda Shabeellada dhexe oo ka cabanaya maan-dooriyaha Xashiishka

Xoghayaha Iskaashatooyinka Beeraleyda gobolka Shabeellada dhexe, Cabdiqani Sheekh Maxamed oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dhibaato badan ay ku qabaan maandooriyaha Xashiishka oo lagu beeray dhulkii ay dalaga ku beeran lahaayeen.

Waxaa uu sheegay in meelaha Xashiishka lagu beero ay yihiin qaar kamid ah tuulooyinka hoos taga degmooyinka Balcad iyo Jowhar, isagoo intaas ku daray in iskaashatooyinka beeraha aysan raali ka aheyd beeridda Xashiishka.

“Xashiishka maadaama uu maandooriye yahay haddana ciidda ayuu nabaad guuriyaa, haddii hal fasal lagu beero Xashiishka, ciidda waxay u baahan tahay in la godo ilaa hal mitir is mar kale wax loogu beero,” ayuu yiri Cabdiqani.

Waydiin aheyd, baaxadda dhulka lagu beero geedka Xashiishka ayuu Cabdiqani kaga jawaabay in aysan jirin dhul balaaran oo lagu beero geedkan waxa keliya  ay ka faa’ideystaan ayaa ah beer qofkii lahaa dhintay  iyo qaar kale oo lacago badan ku kireystaan, sida uu sheegay xoghayaha.

Si kastaba, xoghaye Cabdiqani ayaa tilmaamay in geedka Xashiishka lagu beero gobolka Shabeelaha Dhexe ilaa 2004, isla markaana maamuladii kala dambeeyay ee gobolka soo maray dagaal adag la galeen sidii loo cirib tiri lahaa Xashiishka.