Wargeyska Dalka ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa wuxuu Wareysi gaar ah la yeeshay Guddoomiye Ku-xigeenkaGuddiga Madaxa bannaan ee la dagaallanka MusuqMaasuqa JFS, Mudane Dr. Hassan Khaliif Hassan oo wareysigan dhinacyo badan taabanayay siiyay ayaa waxa la weeydiiyey Su’aalaha la badan oo la xidhiidho shaqada gudiga madax banaan ee ladagaalanka Musuqmaasuqa, guddoomiye ku-xigeenka ayaa waxa uu kubilaabay wareeysigiisii aynu la yeelanay, sida soosocota islamarkaana sifiican u faahfaahiyay howlaha uu qabto Guddiga Madaxa Bannaan ee la dagaallanka MusuqMaasuqa.
Guddoomiyaha ayaa sheegay inta uusan ku soo wareegin Hay’adda la dagaallanka MusuqMaasuqa uu ka soo shaqeeyay Wasaaradda Awqaafta iyo ArrimahaDiinta oo uu ka soo noqday La Taliye, muddo sadex sano iyo bar ah, haatanna uu yahay Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga la dagaallanka Musuq Maasuqa.
Gudoomiyaha ku-xigeenka ayaa Sidoo kale sheegay in uu Guddiga uu soomaray heerar kala duwan tan ugu horeyso ayaa waxa ay ahayd in Sharuucda Guddiga la dhiso, sabaabtoo ah hadda ka hor ma jirin hay’ad madax bannaan oo la sameeyay tan ka hor, maadaama ay dowladda go’aansatay in la sameeyo hay’ad madax bannaan waxaalaga soo billaabay dhisidda shuruucdeeda, taasoo ka soo billaabatay Wasaaradda Caddaaladda, Shuruucda markii la dhameystirayna waxaa la soomariyay GolahaWasiirrada, Sidoo kale Golaha Baarlamaanka Labadiisa gole ayaa saxiixay, ka dibna Madaxweyna JFS ayaaWareegto ku soo saaray, ka dibana faafinta rasmiga ah ayaa loo soo bandhigay.
Guddoomiyaha oo ku soo socda ayaa sheegay in xubnaha guddiga ay ka goobanyihiin sagaal xubnood, waxaana lagu soo xulay xubnaha Guddiga nidaamka afar dhibac shan (4.5) waana la dhaariyay.
Guddoomiyeku-xigeenka ayaa dhanka kale sheegay in Guddigan la dagaallankaMusuqMaasuqa uu yahay mid Dastuuri ah oo siyaasadda ka madax bannaan, hadii ay tahay fulinta, sharcidejinta, caddaaladda, waa hey’ad gooni ah oo dalladda assareh oo stagta laakiin shaqadeeda si dhameystiran ugudato una gudan doonta.
Mar wax laga weydiiyay xafladdii Sagaalka December ee hay’adda, wuxuu sheegay Guddoomiye kuxigeenku in maalintaas ay tahay maalin Caalami ah oo loo asteeyay la dagaalanka Musuq-Maasuqa, ama laguna soo bandhigo sanad kasta waxa u qabsoomay hay’addaha ladagaalanka musuq-maasuqa,Waxaan markii ugu horreysay ka mid noqonnay Sharuucda Caalamiga, waxaan ka mid noqonnay ururrada Caalamiga ee ladagaalanka musuqa Aduunka, sidoo kale ayaa waxaan ka mid noqonnay Ururka la yiraahdo Unkokoo ka tirsan qeybta u qaabilsan la dagaallanka musuqmaasuqa Qarammada midoobay oo ay kumideysanyihiin 188 dowladood, waxaana markii ugu horreysay qeybgalnay shirkii ka dhacay sharma sheikh ee Dalka Masar, sidoo kalena waxaan member ka noqonnay Afrikan Union oo ah urur ay leeyihiin oo lagula dagaallamo MusuqMaasuqa. Sidoo kalena Geeska, Bariga iyo Bartamaha Afrika, ururka jira ayaan xubin ka noqonnay, sidoo kale waxaan xubin ka noqonnay Arab league oo ah urur ay jaamacadda carabtu leedahay.
Inta uusan wareeysiga soo xirmin ayaa waxaa wax laga weeydiiyay, Xidhiidhka ay la leeyihiin Bulshada rayidka ah? Wuxuu sheegay kusimaha guddoomiyaha islamarkaana ah guddoomiye kuxigeenka hay’adda in ay bulshada la leeyihiin xidhiidh wanaagsan wadashaqeynna kala dhaxeyso, islamarkaana waxa uu fariin umarsiiyay wareeysigaan gaarka ah Bulshada oo uu yiri; qof kasta oo soomaaliyeed oo arka wax musuqmaasuq ah in uu la soo xidhiidho hay’adda, iyada oo ay jiraan Emailo-loogu talagalay inay kala soo xidhiidhaan hay’adda, iyada oo aan la ogaanin cidda warkani siisay ama nasoo gaarsiisay.
Ugu danbeeeyntii wareeysigaan ayaa kusimaha guddoomiyaha hay’adda waxaa lagu weydiiyay waxa uga qorsheysan musuq-maasuqa hada iyo goor ay kamidtahay Wadamada kaalmaha hore kagalo?.
Wuxuuna arrinkaa ka yiri kusimaha guddoomiyaha, marka ugu horreysa waxaan farayaa qofkasa oo soomaaliyeed in uu ilaahey ka cabsaado waayo waa muslim, marka labaadna waxaa la farayaa hantida uu mas’uulka ka yahay inuu ilaaliyo, midda ugu danbaysana,waa ay dhammaatay xilligii aan jirin cid loo cawdo, hadda waxaajirta hay’ad madax bannaan oo la dagaallanta musuqmaasuqa, cidkasta oo wax tabaneysa ama dhib loo geystay dabagelidoonta oo caddaaladda waafajindoonta.
Gudoomiya ku xigeenka oo sii wata hadalkiisa,ayaa yiri haddii aan raacno sharuucda dalka u degsan waxaan rajeynayaa inaan ka soo bixi doonno liiska madow ee aan dunida kaga jirno, wuxuuna rajeyay in sanadaha danbe ee soo socdana ay wax weyn isbeddeli doonaan, wuxuu intaas ku daray in dadka soomaaliyeed ay yihiin dad jecel inay kuraacaan oo kuna dhaqmaan sharuucda haddii ay helaan cidku hagto, annagana waxaan diyaar u nahay inaan sharuucdaan dadka ku ilaalino, kana wacyi gelinno Bulshada soomaaliyeed dhibaatada musuqmaasuqa uu leeyahay, ugudambeyntiina wuxuu rajeeyay in kaalin fiican ay ka gelidoonaan dunida sannadaha soosocda la dagaallanka musuqmaasuqa.
WQ: WargeyskaDalka