Madaxweynaha Dowladda goboleedka Hirshabeelle oo shir guddoomiyay kulanka golaha wasiirada Hirshabeelle

Madaxweynaha Dowladda goboleddka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka golaha xukuumada Dowladda Hirshabeelle.Madaxweynaha ayaa shirka golaha wasiirada golihiisa uga warbixiyay socdaalkii uu dhowaan ku tahay Magaalada Muqdisho iyo kulamadii kala duwanaa ee uu lasoo qaatay Madaxda ugu sareeyo dalka iyo wakiilada beesha caalamka.

Golaha Xukuumadda ayaa intaa kadib cod gacantaaga ku ansixiyay miisaaniyad sanadeedka 2021/22 oo Wasaarada Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ay usoo gudbisay golaha xukuumadda

Kulanka waxaa kale oo looga hadlay in maamulka u isticmaalidoono account xisaabeed uga furan wasaarada maaliyada, wasaaradii aan lahayna ay furato iyo in Wasaaradaha ay isticmaalaan Email-ka Officialka ee maamulka Hirshabeelle.

Golaha Wasiirada ayaa maanta ka dooday bixinta kaararka aqoonsiga Wasaaradaha iyo guud ahaan maamulka, iyadoo goluhu isla qaateen in sanadka cusub ay soo saari doonto karaar mideysan oo laga bixin doono Madaxtooyada Hirshabeelle.

Ugu dambeyn madbacadaha kaararka aqoonsiga daabaca waxaa looga digay inaysan sameyn kaarar aan sharci ahayn cidii lagu helana laga qaado talaabo harciga waafaqsa.