Ururka caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ka digtay kala duwanaanshaha labada Feyrus ee Coronavirus iyo Omicron

Omicron ayaa markii ugu horaysay waxaa laga helay dalka Koonfur Afrika bishii November iyadoo ay taas shaca ka qaadeen saynisyahanno ku sugnaa dalkaasi ay sheegeen ka dib baritaano hordhaca ah oo ay sameyeen ay ku ogaadeen in u jiro xanuun cusub si degdeg ah ku faafayo.

“Toddobaatan iyo toddoba dal  ayaa laga soo sheegay in laga diwaan galiyay kiisaas cusub oo xanuunka Omicron, waxaa laga cabsi qaba inay jiri karaan  dalal aan wali baaritan rasmi ah laga sameyn oo laga yaabo in u xanuunku soo gaaray,” waxaa sida warbaahinta usheegay madax WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus mar u war baahinta kula hadlay Geneva Talaadadii.

Tan iyo markii la shaciyay Omicron ayaa caalamka waxaa ka bilowday walwal laga qabo xanuunkan in u la mid noqon karo Covid-19 oo caalamka ay surtagal ka noqon karto markale iyo xanibad lagu soo rogo isku socodka caalamka,iyado islaa markiiba lagu soo rogay xannibada dalal dhowr ah oo ay ka mid tahya dalka Koonfur Afrika oo u ka soo bilowday Omircon.

Madax WHO ayaa sheegay in hay’addah Qarmada Midoobay u qaabilsan caafimaadka ay si degdeg ah u tageerayaan qaadashada tallaalkii hore ee looga hortagay Covid-19 iyadoo looga goleyahya ka hortaga xanuunka loo xoojin lahaa si ay u fududato in loo helo tallaal u gaar ah Microm tallaalkan si caddaalada ah loo gaarsiiyo dalalka xanuunka u sida deg deg ah ugu faafayo.

Wuxuu xusaya madax WHO in ay 41 wadan aysan wali awoodin inay tallaalan 10% usan tallaalka gaarin