Taliyaha Ciidamada Xoogga oo la wareegay Agab loogu tala galay Ciidanka xoogga ee ka howlgallo Magaalada Beledwene

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Generaal Odowaa Yuusuf Raage iyo sarakiil u hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan

Wafdiga Taliyaha ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Baladweyn kusoo dhaweeyey Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeeyte Cismaan iyo Saraakiisha Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Baladweyn

Ujeedka safarka Taliye Odawaa ee Magaalada Beledweyne ayaa lagu sheegay sidii Saraakiisha Ciidamada guutada 5aad ee qeybta 27aad uu kala hadli lahaa la dagaalanka Maleeshiyada Al-Shabaab oo maalmihii an soo dhaafay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka bilaabay inta u dhaxeeysa degmooyinka Matabaan iyo Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka ayaa sidokale munasabad lagu qabatay Beledwene kula wareegay gaadiid iyo Agab kale oo loogu tala galay ciidanka xoogga ee ka howlgallo Magaalada Beledwen ee xarunta Gobolka Hiiraan,gaar ahan qaybta 27-aad