Wareegga 8 dhamaadka tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka oo la sameeyay “SAWIRRO

-Tartanka kubadda Cagta degmooyinka iyo Deegaannada Gobolka Banaadir 2021 oo si habsami leh uga socdo Muqdisho ayaa waxaa la soo gabo gabeeyay wareegga group-yada.

Xulka Degmada Dharkeenleey ayaa 2-0 uga badisay dhigooda Degmada Howlwadaag halka Degamda Shibis ay 9-1 uga badisay dhigooda Degmada Wadajir.

Group D: waxaa kaalinta koowaad kusoo baxday Degmada Shibis oo faraqa goolasha uga wanaagsanayd degmada Dharkeenleey oo 2-aad kusoo baxday.

Kala sarreynta Group D.
1- Shibis 4 kulan 9 dhibcood
2- Dharkeenleey 4 kulan 9 dhibcood
3- Howladaag 4 kulan 6 dhibcood
4- Wadajir 4 kulan 4 dhibcood
5- Waaberi 4 kulan 1 dhibic.
waxaa maanta lasoo gebogabeeyay wareegga group-yada ee tartanka
Jadwalka wareega 8da

Khamiis: 16/12/2021 Shingaani vs Xamar Jajab.

Jimco 17 /12/2021: Deyniile vs Dharkeenleey

Sabti 18/12/2021 Kaaraan vs Warta Nabadda

Axad 19/12/2021 Shibis vs Yaaqshiid

Dhammaan kulamada waxay ka dhici doonaan garoonka Injineer Yariisow.