Safiirka JFS ee Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta oo qaabilay Wasiirkii horre ee Wasaaradda Waxbarashada Dowladii Dhaxe

Safiirka Jamhuuriyadda faderaalka Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirkii horre ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre ee Dowladii Dhaxe Mudane Cabdi Salaan Sheikh Xuseen oo booqasho sharafeed ku tagay Xarunta Safaaradda soomaaliya ee Masar

Mudane C.Salaam Sheikh Xuseen ayaa ku amaanay Safiirka isbadalka wanaagsan ee ka muuqda Xarunta Safaaradda iyo sidda hufnaanta leh ee loogu adeegayo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar isagoo kulla dardaarmay inu sii labbo jibaaro dedaaladda muuqda ee waxtarka u leh Qaranka.

Danjire Ilyaas Sheikh Cumar waxa ka go’an xaqiijinta ahdaafta Qaranka iyo u adeegidda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar.