Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galay munaasabad lagu maamuusayay sanad guuradii 9aad ee aasaaskii machadka Heritage

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Djibouti uga qeyb galay munaasabad lagu maamuusayay sanad guuradii 9aad ee aasaaskii machadka Heritage ayaa machadka ku ammaanay kaalintiisa cilmi baarista iyo doodaha wax dhisaya ee khuseeya dalka iyo guud ahaan gobolka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sidoo kale uga mahadceliyay madaxweynaha Djibouti mudane Ismaaciil Cumar Geelle doorkiisa nabadeynta iyo dowlad-dhiska Soomaaliya