Shirka madasha Aragti wadaaga Heritage oo Djabuuti ka furmay

Waxaa magaalada Djabuuti ee Caasimadda dalka Jabuuti maanta ka furmay Shirka madasha aragti wadaaga ee Heritage.

Shirkan oo Furitaankiisa uu ka qeyb galay Madaxweynaha Dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Mudane Mustaf Maxamed Cumar, Wafdi Wasiiro iyo xildhibaano isugu jira oo ka socda Soomaaliya oo uu hogaaminayo Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan iyo wafdi ka socda Kenya oo uu hogaaminayo Aadan Barre Ducaale.

Shirka Heritage oo sanadle loo qabto ayaa waxaa ka qeyb galaya Aqoon-yahano iyo Masuuliyiin Soomaaliyeed iyadoo lagu soo bandhigo doodo cilmi ah oo ku saabsan xaaladda Gobolka Afrika Guud ahaan iyo gaar ahaan Soomaaliya, Siyaasadaha Saameynta ku leh Soomaaliya iyo Soomaalida iyo qodobo kale.

Madaxweynaha Jabuuti iyo Madaxda kale ayaa kalmado furitaan ah ka jeediyay kulanka, iyadoo saacadaha soo socda la filayo in ay Jabuuti gaaraan Masuuliyiin sare oo matalaya dalalka ay quseyso xaaladaha Gobolka gaar ahaan Geeska Africa.