Tababar loo furtay hawlwadeenno ka kala socday Xafiisyada taya-dhowrka Wasaaradaha

Agaasimaha Waaxda Taya-dhowrka iyo Halbeegyadda Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tababar u furtay hawlwadeenno ka socday Xafiisyada Taya-dhowrka Wasaaradaha Waxbarashada Dawlad Goboleedyada .

Agaasimaha waaxda taya-dhowrka iyo halbeegyada Wasaaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliina Sare dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Marwo Mariya Sakariye Axmed ayaa Tababar u furtay Howlwadeeno ka socday xafiisyada Tayo-dhowrka iyo Halbeegyada ee Wasaarada Waxbarashada, Wasaaradaha Waxbrashadda dowlad Goboleedyadda iyo Agaasinka Waxbarashada Gobalka Banaadir.

Tababarkaan oo socon doona muddo seddax cisho ah ayaa waxaa lagu baran doonaa dhinacyada tayenta iyo kor -u-qaadista awooda hoggaamineed ee Xafiisyada taya-dhowka iyo kormeerka guud ahaan  goobaha Waxbarashada dalka,ayadoo la adeegsanaya halbeegyo isku mida, taasi oo wax ka tari doonta halista waxbarashado tayo leh.